Isku soo bax lagu Taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Sooamaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta lagu qabtay Taaladda Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Isku soo baxa waxaa soo qaban-qaabiyay Ururka Haweenka Gobolka banaadir waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Banaadir, sida Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) iyo ku-xigenkiisa,dadweyne fara badan oo watay sawirada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Farmaao oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir .
Amaanka Taaladda Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho waxaa sugayay Ciidamada Booliska Soomaliyeed iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab waxa ayna sheegtay hadii ay yihiin shacabka Gobolka ay soo dhaweynayaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Farmaajo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab waxa ay ka codsaday Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo in uu cadeeyo maqaanka Gobolka banaadir oo ay xaqireen madasha Wadatashiga Qaran.






