Trump oo Wacad Ku Maray inuu ku guuleysan doono dagaalka Maxkamadda ee xannibaadda socdaalka

0

Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay “in uusan shaki kujirin” in maamulkiisa uu ku guuleysan doono dagaalka dhanka sharciga ka socda ee ku saabsan xayiraadda socdaalka.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Trump iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayuu Trump ka sheegay in tallaabada lagu soo celinayo la dedejinayo, uuna soo rogi doono isbuuca soo socda, “tallaabooyiin dheeraad ah oo dhanka amniga ah”.

hadalkaas wuxuu jeediyay ayadoo qareenada Virginia ay maxkamadda u sheegayaan in sharciga Trump “uu ka dhashay naceybka uu u qabo Muslimiinta”.
Khamiistii, Maxkamad racfaan ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ku guuldareystay inuu “cadeyn bixiyaan” si ay qiil ugu raadiyaan xannibaadda.

“Waxaan dooneynaa inaan dalkeena nabad ka dhigno, waxaan sameyneynaa waxkastoo lagama maarmaan ah si dalka uu amni u sii ahaado,” ayuu yiri Mr Trump.

“Waxbaan si degdeg ah u sameyndoonnaa oo tallaabooyiin amni oo dheeraad ah ay ka mid yihiin, wax cusub ayaad isbuuca soo socda arki doontaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waxaa intaas dheer, waan sii wadi doonnaa haddaanka maxkamadda, ugu dambeynna waan ku guuleysan doonnaa kiiska.”
Mr Trump ma uusan cadeynin waxa uu ula jeedo “tallaabooyiin dheeraad ah”, balse wuxuu ka jawaabayay su’aal weriye uu weydiiyay oo ku saabsanayd inuu qorsheynaayo inuu amarro cusub soo saarayo.

Muxuu yahay kiiska Virginia?

Waxa uu ka mid yahay dacwooyiin kala duwan oo loo gudbiyay maxkamadaha federaalka ee Mareykanka oo lagula dagaallamayo tallaabada Trump uu xayiraadda socdaalka ku saaray todobo dal oo Muslimiin ah.

Afhayeenka Xeer ilaaliyaha Virginia Mark Herring, wuxuu sheegay inay arrinta noqon karto “Kiis siqoto dheer loo eegayo doodda ku saabsan saameynta xayiraadda”.

Dacwadda waxaa si guud diiradda lagu saarayaa xannibaadda uu Trump soo rogay, ayadoo aan la eegeyn arrinta gaarka ah ee Afarta bilood lagu xannibay qaxootiga.

Garsooraha dhageysanaya dacwadda waxaa magacaabay Madaxweynihii hore Bill Clinton, sanadkii 1993-dii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here