Wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska Boris Johnson iyo Madaxweyne Farmaajo oo Kulmaya

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Britain Boris Johnson ayaa bartiisa twitterka soo dhigay in uu rajenayo la kulanka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Mudane Maxamed c/laahi Farmaajo oo maalintii arbacad aheyd la doortay.

“Waxaan ug hambalyeeyay Maxamed Cabdulahi Farmajo doorashadii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, Soomaaliya waxa ay gaartay horumar weyn iyadoo dib uga soo kabsatay labaatankii sano ee dagaalada sokeeye ka dhacayeen. Balse waxaa jira arrimo badan oo horyaala Madaxweynaha cusub.”ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibada dowlada Britain.

Wasiirka Arrimaha Dibada Britain Boris Johnson ayaa sidoo kale sheegay in kulanka uu la yeelan doono Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya loogu hadli sidii loogu shaqeyn lahaa hormarka dalka Soomaliyeed oo dhibaatooyin ku dhacay kasoo kababaya.

Dowladda Ingrisiiska ayaa kamid ah dowladaha daneeyay arrimaha Soomaliya, ingiriiska ayaa bixiya lacago iyo agabyo lagu taageero dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here