Madaxweyne Farmajo oo la Kulmay Denjire Michael Keating iyo Safiiro Dhowr ah

0

Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta qaabilay Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael Keating iyo Safiiro dhowr ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirada kala hadlay arrimaha Somalia, waxa ayna dhankooda uga hambalyeeyen Guusha uu ka gaaray Doorashada Somalia.

Ugu horeyntii Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael Keating oo goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee la doortay in uu ka faaideysto Kalsoonida ay shacabka Soomaliyeed u hayaan, waxaa sidoo sidaas ugu baaqay safiirada wadamada Caalamka Soomaliya u fadhiya.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isna Safiirada ka dalbaday in marka hore gargaar loo fidiye shacbigiisa ku dhiban Gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaraha, waxa uuna Madaxweynuhu ku nuux-nuuxsaday in shacabkii uu maamuli lahaa ay ku dhibaateysan yihiin Gobolada.

Safiirada ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in jawaab degdeg ah ay ka bixin doonaan Abaaraha ka jira Gobolada dalka, waxa ayna sidoo kale u ballanqaaden inay kala shaqeyn doonaan dhinac waliba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here