Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in xabad joojin la kala dhaxdhigay Ciidamadii shalay ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulan ayaa saakay iskugu Yimaadeen Waxgarada Magaalada Gaalkacyo ayay kaga Hadleen sidii loo joojin lahaa dagaal Mar kale ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Kadib markii shalay Magaalada Gaalkacyo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala Tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Odayaasha iyo waxgarada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sidoo kale ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeyaan Nabada Magaalada gaalkacyo kadib markii shalay dagaal ka dhacay uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dadkii Rayid ahaa ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo .

