Akhriso:-Magacyada Musharixiinta Usoo Gudbay Wareega Labaad ee Doorashada Madaxweynaha

0

Xarunta Afasiyooni iyo Ciidamadii Cirka Soomaliyeed waxaa ka socota Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

328-xildhibaan oo isgu jira Golaha shacabka iyo aqalka Sare ayaa codadkooda dhiibtay 1-xildhibaan ayuu Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya xaqiijiyay in uu xanuunsan yahay.

Wareegii kowaad ee doorashada waxaa ka qeyb galay 21-musharax oo kala 1.Shariif Sheekh Axmed 2. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke 3. Maxamuud Maxamed Culusow4.C/qaadir Cosoble Cali 5.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 6.Maxamed Cali Ameeriko7.C/naasir Maxamed Cabdulle 8.Maxamed C/llaahi farmaajo 9.C/raxmaan C/shakuur Warsame 10. Jibriil Ibraahim Cabdulle 11. Cali Xaaji Warsame 12.Saciid C/llaahi Deni13.Saciid Ciise Maxamuud 14.Xasan Sheekh Maxamuud 15.Maxamed Axmed Jabarti 16.Maxamed Cabdirisaq 17.Cabdulahi Cali Axmed 18. Cabdulahi Cilmooge Xirsi 19.Bashiir Raage Shiiraar 20. Xaaji Maxamed Yaasin 21.Axmed Maxamed Cabdi.

Tirinta cododka ay dhiibteen Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare kadib waxaa la shaaciyay in tartanka wareega kowaad ay kasoo gudbeyneen musharixiinta kala ah Xasan Shiikh maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaliya 88-cod, Maxamed C/laahi farmaajo oo helay 72-cod iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya oo helay 49-cod, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya oo helay 37-cod.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here