Ciidamada Booliska magaalada boosaaso ayaa xalay howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen xaaafdaha magaalada boosaaso, waxa uu howlgalkaas ahaa mid lagu qabqabtay in ka badan 100 gaari oo nooca loo yaqaan borobokis ee dad weynaha adeegsadaan.
Gawaaridaasi ayaa lagu xareeyey garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, waxaana inta badan wadooyinka magaalada aan lagu arkin gawaaridaasi.
Maamulka Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sheegay in U jeedada loo qab-qabtay gawaaridaasi ay tahay In loo sameeyo nidaam lagu kala hako, maadama ay fara ka bateen, wuxuu maamulka sidoo kale sheegay in meelaha qaar laga xadidi doono in ay maraan.
Dhanka kale maamulka gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland, kan degmada Bosaaso iyo laamaha ammaanka magaalada ayaa la sheegayaa in ay qorsheeyeen in nambaris loo sameeyo gawaarida nooca takaasida ah, isla markaana laga qaado lacag dhan 18 doolar xiliga loo sameenayo nambariska.

