War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya ayaa lagu sheegay in lag bilaabo maalinta talaada ay ay Taariikhda ay ku beegan Tahay 7-bisha February in xiro dhamaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in waddooyinka loo xirayo doorashada madaxweynaha ee la filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Dadka shacabka ayaa loo ogolaan doonaa sida lagu sheegay warka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir inay lugta kaliyah isticmaalaan, waxaa la hakiyay dhamaan Gaadiidka dadweynaha.

