Musharixiinta oo Dalbaday in Doorashada Mdaxweynaha Lagu Qabto Meel aan Aheyn Iskool Buluusiya

0

Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliyaa ayaa codsi u diray Guddoonka Golaha Shacabka iyo aqalka  Sare oo ku aadan In  xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya laga wareejiyo in lagu qabto Doorashada Madaxweynaha, islamarkaana meel kale loo qorsheeyo.

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa tilmaamay In  xarunta Akademiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Iskool Buluusiya ay tahay mid aan la isku aamini karin amaankeeda islamarkaana xiligaan ay hobaan tahay in doorashada madaxweynaha Soomaliya lagu qabto meel lagu kasoon karo.

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaan kalsooni badan ku qabin xarunta Iskool Buluusiya, waxa ayna tilmaameen in Taliyaha booliiska iyo Taliyaasha kale ee Ciidanka aysan dhax dhaxaad ka aheyn Doorashada Madaxweynah ayna u ololeenayaan Musharax gaar ah sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud.

Gudoonka labada Aqal iyo Guddiga Doorashada ayaan wali go’aan ka gaarin codsiga ay u gudbiyeen Musharaxiinta Madaxweyne, warar soo baxaya ayaana sheegaya in Doorashada loo wareejiyo xarun ku taala inta u dhaxeysa xaruntii hore ee Ciidanka Cirka Afisiyooni iyo Garoonka Aadan Cadde .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here