Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa isku qilaafay meel-marinta Mooshin xil ka qaadis ahaa oo dhawaan laga diyaariyay Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Shiikh aadan oo lagu eedeeyay in uu ku guuldreystay hogaaminta maamulkaas.
Xildhibaan Black oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in xiligaan ay kala jabeen xildhibaanadii mooshinka ka waday madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan islamarkaana haatan ay kusoo koobmeen oo kaliyaha 14-xubnood oo awood ahaan marka la eego aan xil ka qaadis sameyn Karin.
Sidoo kale Xildhibaan Black ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan uu kulamo la qaatay Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas islamarkaana uu kala hadlay sidii loogu shaqeyn lahaa Hormarka Maamulka, isagoo kaga digay in la burburiyo Koonfur Galbeed Soomaliya.

