Dowladda Kenya oo Shaacisay Tirada Askartii Kaga Dhimatay Dagaalkii Kulbiyow

0

Dowladda Kenya ayaa shaacisay tirada askartii kaga dhimatay iyo kuwii kaga dhaawacmay weerarkii subaxnimadii ee shalay  dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen  Saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in weerarkii Xarakada  Al-Shabab ku qaadday magaalada Kulbiyow ay ku dhinteen sagaal ka tirsan askarta Kenya halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 15-askari oo haatan xaaladooda ay soo hagaagayso.

Sidoo kale war kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka Kulbiyow in Al-shabaab loogu dilay 70-askari oo Ciidamadooda ka tirsanaa islamarkaana haatan Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin goobta.

Al-shabaab ayaa dagaalka marka uu soo dhaamaaday shaaciyay in la dilay 67-askari oo k tirsanaa Ciidamada Malatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Saldhigaas ku sugnaa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here