Wararka ka Imaanaya Deegaanka PP1 oo Dhaca inta u Dhexaysa Magaalooyinka Baladxaawo, Mandheera ayaa Sheegay Qaraxa Maanta lagu la eegtay Koloyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenyaati ah oo ku Socdaalayey Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Qaraxaan oo ahaa Miiinada Nuuca Dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen Askar Boolis ahaa oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Darbiga Kenya ay ka dhisayso Dhulka ay la wadaago Soomaaliya qaraxaa i bur-buriyay gaariga idacadda Simba ay u Xaqiijiyeen Ilo ka agdhawaa Goobta ay waxka dhaceen.
Qaraxa ka dib waxaa Goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Militariga Kenya kuwaas oo Goobta ka Jiitay Gaarigii Miinado haleeshay waxaan iska yar in la helo Xogta rasmiga ah ee ku aadan inta uu gaar siisan yahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawaca soo gaaray askartaan ka tirsaneyd Ciidanka Ilaalada Dhismaha Darbiga.
Deegaanka PP1 oo ah halka oo ka socdo Darbiga Dowlada Kenya ka dhisay soo dinta Soomaaliya ayaa dhaca inta u Dhexaysa Magaalooyinka Mandheer Suuuf iyo Balad-xaawo ka kala Tirsan Kenya a Itoobiya iyo Soomaaliya
Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta Dowlada Kenya ee deegaankaa oo ka hadshay qasaare qaraxsaasi sanadkii tagay ee 2016-kii sidaan Ciidamada Kenya lagu Weeraray Qaraxa dhulka lagu aasay

