Dowladda oo Ka Digtay in Dhalinyarada Loo Adeegsado Dagaalada+Dhageyso

0

Raisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cumar Carteh(Qaalib) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhalinyarada Soomaliyeed oo ah ubaxa dalka in loo adeegsado qaraxyad iyo dagaalada dalka ka socda.

Maxamed Cumar Carteh oo ka hadlayay weerarkii shalay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaas dadka lagu dilay ay yihiin kuwa dhalinyaro ah oo hadda soo baxayay islamarkaana kan dowlad ahaan ay aad kaga danqanayaan in dhalinyarada Soomaliyeed loo adeegsado colaada dalka lagu hurinayo.

“Waxaa wax aad loogu xumaado ah in Dhalinyarada Soomaliyeed oo ah ubaxa dalka in loo adeegsado dagaalada iyo qaraxyada dalka ka dhacaya, waxaan leeyahay war kuwa aad dilaysaan waa aabayaashii idin dhalay, Walaalihiina, iyo Asxaabtiina, kasoo laabto oo dowlada la shaqeeya”, ayuu yiri Maxamed Cumar Carteh.

Shalay ayay aheyd markii 8-dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shaabaab ay weerar xoogan  ku qaadeen Hoteelka Dayax oo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaa ugu dambeeyn toogtay Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here