Sii haya Xilka Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo shir jaraaid ku qabtay gudaha Hoteelka Dayax oo maanta ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa faah-faahin ka bixiyay tirada dhimashada iyo dhaawaca Weerarka.
C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in ay fuliyeen weerarka Hoteelka Dayax 8-dagaalyahan oo ka tisranaa Xarakada Al-shabaab oo watay labo gaari, islamarkaana doonayay in ay gudaha Hoteelka galaan si ay u laayeen dad fara badan gudaha hoteelka ku sugnaa.
“10-ruux oo dad shacab ahaa iyo askar ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dhimatay, 51-kalana way dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa waxaa saaameeyey qarixii labaad ee ka dhacay Hoteelka Banaankiisa”, ayuu yiri Sii haya Xilka Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed.
Sidoo kale sii haya Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in 5-dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab in lagu dilay banaanka Hore ee Hoteelka, saddexda kalana in lagu dilay gudaha Hoteelka Dayax.

