Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxman Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ka hadleen abaarta ka jirta deeganada Maamulkaas.
Ugu horeyntii Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal sameeyeen una baahanyihiin taageero caalami ah.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen(Odawaa) ayaa sheegay in dawladu ay 3-milyan oo Dollar ku taageerayso hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka ka socdo.

