Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dalka dib ugu Soo Laabtay+ Sawiro

0

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta dalka dib Ugu soo laabtay Kuwasoo Maalmihii dambe ku sugnaa dalka Kuwait.

Wafdiga uu Hogaaminaayay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka Tirsan wasaarada warfaafinta dowlada soomaliya.

Wasiir Mareeyee ayaa dalka Kuwait kula soo Kulmay Madax ka Tirsan dowlada Kuwait isagoona sidoo kale dalkaas Kula soo Kulmay wasaarada warfaafinta dalka Kuwait oo balan qaaday in ay qalabyo ugu deeqi doonto wasaarada Warfaafinta dowlada soomaliya,

DSC00036 DSC00057 DSC00081 DSC00109 DSC000381 DSC000541 DSC000681

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here