Qaramada Midoobay, midowga Africa , midowga yurub, urur gobaleedka IGAD, dowladaha Ethopia,talyaaniga swedan, boqortooyada Iceland iyo dalka mareykanka ayaa u hambalyeeyay xubnaha baarlamaanka tobanaad ee soomaaliya oo doorashooyinkii ka dhacay dalka ku guuleystay iyo waliba gudoomiyaha baarlaamanka iyo ku xigeenadiisa.
horaantii bishan Mohamed sheikh Osman Jawari ayaa loo doortay afhayeenka golaha shacabka Xukuumada Fedealka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku xigeenadiisa 1-aad iyo labaad loo kala doortay abdiwali sheikh mudey iyo mahad Cabdalla cawad.
Si lamid ah waxeey beesha caalamku soo dhaweysay doorashooyinkii shalay ka dhacay magaalada Mogadishu ee lagu doortay Gudoonka golaha aqalka sare oo kala ah abdi hashi abdullahi oo loo doortay gudoomiyaha aqalka sare iyo ku sii xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad kuwaa oo kala ah Abshir Mohamed ahmed bukhari iyo Mowliid Hussein guhaad kuwaa oo ku soo baxay doorashooyinkii shalay ka dhacay magaalada Mogadishu.
Waxey sidoo kale beesha caalmaku sheegtay in doorashooyinkii lasoo gabgabeeyay ee baarlmaanku ay tahay mid muhiim u ah nidaamka heerka gaba-gabo ee doorashada dalka ka socota.
waxeyna beesha caalamku codsatay in Gudiga doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan in ay ku qabtaan doorashada madaxtinimo ee dalka taa oo dowr jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid, iyaga oo xusay in baarlamaanka ay hortaalo shaqo adag loo baahanyahay in waajibaadkooda ay ku gutaan.
ugu dambeeyntii beesha caalamka waxa ay xuseen in ay ka geystaan taageero lixaad leh oo ku aadan hanaanka doorasho ee dalka oo imika heer gabo’gabo ah maraya.

