Gudoomiye ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Dalka oo La Doortay

0

Waxaa goordhaweyd lasoo gaba-gabeeyay doorashada Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xubnaha Aqalka Sare ee dalka, kadib markii la doortay Gudoomiyaha aqalka Sare iyo ku-xigeenka kowaad.

Mowliid Xuseen Guhaad oo helay codadka ugu badan  ee xubanaha aqalka Sare ayaa ku guuleystay Xilka Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee xubnaha aqalka Sare inta aan loo gudbin wareega sedexaad ee tartanka.

Wareega labaad inta aan lo gudbin waaa haray xubnaha kala ah Hodan Maxamuud Cusmaan, Osmaan Axmed Maxcow,Iftiin Xasan Baasto, fartuun Cabdulqaadir Faarax, Sacdiyo Xasan Cusmaan.

Wareega Labaad waxaa ku tartamay labada shaqsi ee kala ah C/kaafi macalin Xasan iyo Mowliid Xuseen Guhaad, Mowliid ayaa heshay 28-cod halka C/kaafi uu helay 24-cod.

Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in Mowliid Xuseen Guhaad oo helay cododkii ugu badnaa ee sidaas ku noqday Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xubnaha Aqalka Sare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here