Midowga Yurub oo Xadidaya Muhaajiriinta Ka Talaabaya Biyaha Dalka Libiya

0

Ururka midowga yurub ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojin doonan qulqulka muhaajiriinta gaaraya biyaha dalka liibiya sida ay ku sheegeen war kasoo baxay.

iyaga oo xusay in talaabooyin looga hortagayo muhaajiriinta u badan dalalka qaarada Africa in ay qaadi doonaan kaa oo ay kala kaashaneyso qaramada midoobay iyo maamulka Triboli ee dalka Libya kadib markii midowga yurub bilooway howlo kala duwa oo looga hortagayo qaxootiga ay ku guuldareysteen.

Warkan kasoo baxay midowga yurub ayey sidoo kale ku sheegeen in ay tixgeliyaan sameynta xad lagu xadidayo doomanka sharci darrada ee Tahriibayaasha.

Waxaana ururkaan uu xusay suurta galnimada muhaajiriin  kasoo talaabi kara dalalka Tunisia iyo masar kuwaa oo  wal-wal imika ay kaqabaan.

in kabadan 180,000 oo muhaajiriin ah ayaa sanadii hore galay dalalka qaarada yurub iyada oo marka la’barbar dhigo sanadkii 2014-kii tirada tahriibayaasha ay gaareyso 170,100 oo qof.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here