Gudoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa si kulul ugu hadlay hadal heynta Shacabka Soomaliyeed iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dowladda ee ku aadan in dib loo dhigayo Waqtiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
Gudoomiye Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Shacabka Soomaliyeed loogu baahan yahay in ay isdajiyaan islamarkaana aysan deg degin,Guddiga doorashooyinka dalka ayuu ku dhaliilay in ay mar walba faafiyaan in ay dib u dhacday doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
“Shacabka Soomaliyeed aad ayay ugu jahwareereen dib udhacyada badan ee ku imaanaya waqtiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, waxaa taasi kaba sii daran qaar kamid ah website Soomalida oo jahwareer ku ridiya Shacabka oo mar daabacaya in ay dib u dhacday doorashada Madaxweynah, way naga go’an tahay in doorashada aysan dib u dhici markaan”, ayuu yiri Gudoomiye Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Dhanka kale Gudoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxmed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in doorashada Gudoonka aqalka Sare kadib ay sameyn doonaan Guddi baarlamaani ah oo ka kooban labada aqal ee dalka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona doorshada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

