War Deg Deg:-Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Goordhaweyd Geeriyooday

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Caawa Rag hubeysan ay Bambo Gacmeed ku weerareen Hoyga Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdule Carfaaye.

Inta la xaqiijiyay waxaa  bambo gambeedka  ku dhaawacmay  marka hore Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdule Carfaaye iyo askari ilaalo u ahaa taliyaha oo xiligaas hoygiisa ku sugnaa.

Dhaawaca Khaliif Cabdule Carfaaye, Taliyihii  Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe  ayaa waxaa loola cararay isbitaalka guud ee degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee Mamaulka Hir-shabeelle, balse daqiiqado kadib waxaa la xaqiijiyay in dhaawaca  gaaray taliyaha  uu u geeriyooday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here