Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay ee loosoo gaabiyo (ICJ) ayaa dhawaan ku dhawaaqi doonta go’aan ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee dacwadda soohdinta badda ee ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya.
Galabnimada Khamiistaee Bisha February ay ku beegantahay 2-da ayuu guddoomiyaha Maxkamaddaas uu ku dhawaqi doonaa go’aanka Maxkamaddu ay arintaan ka gaartay.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya Muran ku aaddan lahaanshaha qayb ka mid ah badda Soomaaliya oo Kenya ay ku andacooneyso inay heshiis ku gadatay qaybta badda ee muranku uu ka jiro.
Magaalada Hague ee dalka Netherlands ayey ku taalla xarunta dhexe ee Maxkamadda Caalmiga ah ee Caddaaladda adduunka.

