Donald John Trump ayaa maanta noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.
Trump oo la doortay sideeddii November ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.
Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC ee si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.
Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Mareykanka ay xukunkii dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.
“Muddo aad u fog, ayaa koox yar oo ku sugan caasimadda dalkeena waxay ka macaashayeen dowladda, halka shacabkuna ay u dul qaadanayeen inay bixiyaan qiimaha” ayuu yiri Trump.
Waxa uu sheegay in 20-ka January 20, 2017 lagu xuusan doono maalintii dadka Mareykanka ay mar kale noqdeen maamulayaasha Mareykanka.
Isaga oo ka hadlayey arrimaha dibedda Mareykanka, Trump waxa uu sheegay inuu soo saarayo amar uu doonayo in laga maqlo caasimadda dal kasta oo dunida ka mid ah, kaasi oo ah: Mareykanka kow.
Trump ayaa hadalkiisa kusoo xiray isaga sheegay inuu mar kale Ameerika ka dhigayo mid weyn.
Khudbadiii madaxweyne Trump ayaa Noqotay tii ugu dheereed marka lala barbar dhigo Khubadii Madaxweynayashii Hore waxaa laga diiwaan galiyay in 1433 erer in uu ku hadlay.
























