Dowladda Burundi iyo Ururka Midowga Afrika ayaa ku heshiiyay maanta oo Jimco ah in Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay sii joogaan Gudaha Soomaliya, islamarkaana la xalin doono tabashooyinka dhanka mushaarka ah.
Kulanka ka dhacay Magaalada Caasimada Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza iyo Gudoomiyaha Amniga iyo Nabadgelyada Ururka Midowga Afrika Ismail Chergui, qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa in la xaliyo cabashooyinka Dowladda Burundi oo ku aadan in Ciidamadeeda Soomaliya Jooga aysan helin wax mushaar ah dhowrkii bilood aynu Soo dhaafnay.
Gudoomiyaha Amniga iyo Nabadgelyada Ururka Midowga Afrika Ismail Chergui, oo heshiika kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uu ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira islamarkaana Ciidamada Burundi ee qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan gudaha Soomaliya.
Dowladda Burundi ayaa dhawaan bilowday hanaan ay Ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga saareyso Soomaaliya, sababo la xiriira muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya ayada iyo Midowga Yurub.
Mushaharka Ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, hase yeeshee xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo bilo ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen xukuumadda dalkaas, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah.

