Wararka ka imanaya degmada afgooye ee Gobolka sahbeellaha hoose ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay xaley weerar xoogan ku qaadeen degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.
Al-shabaab ayaa la sheegay in ay wado ahaan u isticmaaleen webiga shabeelle oo haatan biyo la’aan ah waxana ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin gudaha degmada afgooye.
Dagaal oo mudo saacado socday ayaan la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu sababay waxana al-shabaab ay mudo ka dhex dagaalamyeen halka ay mari jireen biyaha webiga shabeelle.
Saraakiisha iyo maamulka degmada afgooye oo ay la xariirtay idaacadda simba ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan dagaalka qasaaraha uu geystay ayaa ka gaabsaday arintaasi.
Dad Goobjoogaal ayaa u sheegay idaacadda Simba in al-shabaab ay xeelad cusub xaley ku weerareen gudaha degmada afgooye islamarkana ay si lama filaan ah u soo raaceen wadada Webiga Biyihiisu ay isticmaalaan.
Al-shabaab ayaa sheegay in degmada afgooye xaley ay gudaha u galeen iyagoo xeelad cusub u adeegsaday balse ma jiro war arintaa ka madax banaan oo cadyenaya.

