Madaxweynaha Jubba-land oo Kismaayo Kula Kulmay Safiirka Dowlada Jarmalka ee Soomaaliya +Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch iyo ku xigeenka Safiirka iyo Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xubnahan ay hormuudka u ahayd Safiir Jutta Frasch ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in baahiyaha ugu badan ee deeganka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay ay ka codsanayaan Beesha Caalamku in ay wax muuqda kala qabato.

Dowlada Jarmalka ayaa dhinaca kale Jubbaland kala shaqaynaysa Dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida iyo dhamaystirka Xarunta dhaqan celinta Maleeshiyadka kazoo goosanaya Al-Shabaab waxaa kale oo Dowlada Jarmalku ay Jubbaland ka caawinaysa dhismaha Xarunta Ururka Haweenka iyo waxyaabo kale oo adeega Bulshada ah.

“Jarmalku kaalin weyn ayay ku lahayeen Hormarka Soomaaliya wakhtigii Dowladii dhexe Aniguna waxaan wax ku bartay Iskuul farsamada gacanta ah oo Jarmalku ay maamulayeen” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Safaarada ayuu Madaxweynahu ku bogaadiyay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan isagoo sheegay in Jubbaland ay dhawaan qaadayso duulan lagu xoraynayo qaybaha Gobolka ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Dowlada Jarmalkana ay doorkooda ka qaadan doonan.

15975074_809185142555722_567313091161881816_o  16177507_809185015889068_5879363468301648482_o 16177666_809184989222404_3265566760032206916_o 16107432_809185179222385_8677781202413601398_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here