Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku sheegtay in afartii bilood ee ugu dambeesay sanadii 2016 in 92 qofood oo shacab ah si sharci darro ah loo dilay kuwaa oo ciidamada Nabad ilaalinta loo keenay soomaaliya ee AMISOM iyo kuwa ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay mas’uul ka ahaayeen dilalkooda sida warbixinta lagu tibaaxay.
Waxaa sidoo kale warbixin Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay uu u gudbiyay Golaha Amaanka lagu sheegay in dadka sida kama ah loo dilay qaarkood ay ku dhinteen weerarada Xarakada Al-shabaab ay la beegsadaan Xarumaha dowlada.
Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliiska dalka ayaa warbixintu sheegtay in ay mas’uul ka yihiin dhimashada 55 qof oo rayid ahaa halka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM gacantooda ay ku dileen in kabadan 37 qofood oo Shicib ahaa kuwaa oo Siyaabo kala duwan dilal ay ugu geysteen.
Qaramada midoobay ayaa sidoo kale sheegtay dib u dhaca mushaaraadka Ciidamada In ay sababtay hoos u dhac ku yimaada amaanka dalka iyo in laga gaabiyay shaqada laamaha Amaanka.
Warbixinta ay soo saartay Qaramada midoobay taa oo ka koobneyd 20 page ayaa sidoo kale waxa ku sheegeen dialkan loo geystay dadka rayidka ah in ay tahay rabshado looga soo horjeedo xuquuqda aadanaha iyo waliba sharciga caalamiga ee arrimaha bini’aadan nimada.

