Shiikh Shariif:-“Micnaha Qabyo Ninkeeda ayaa Dhameystiro, Waa Shaqo Lagu Guul Dareystay”+Dhageyso

0

Madaxweynihii Hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Mudane Sheikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta dib ugu soo Laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa dhaleeceen iyo Maamul Xumo ku eedeeyay Dowlada waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaaminayay Xasan Shiikh Maxamuud.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in waqti dheer la siiyay Xasan Shiikh maxamuud si uu dalka meel wanaagsan u gaarsiiyo isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay micnana aan la aheyn waxa la yiraahdo Qabyo Ninkeeda ayaa Dhameystiro.

“Aniga Rajada aan ka qabo in aan Madaxweyne noqdo waa boqolkiiba boqol, aniga waxaan is weydiiyaa ereyga mar walba lagu soo cel celiyo ee ah Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira, micnaha qabyo Ninkeeda ayaa dhameystiro waa qof shaqo loo diray oo dhameystiri waayay, shaqada Madaxweynaha waa mid loaguu dooranayo ma ahan mid aad adiga leedahay hadaan si fiican u gudan waysay waa in aad ka taktaa, sidoo kale waxaa wax laga xumaado ah in hantida qaranka  aad u isticmashid olahaada doorashada,”ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Siyaasiga Shiikh Shiikh Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here