Suldaan C/casiis Afgaduud oo ka mid ah Isamada Gobolka Bari oo la hadlay Warbaahinta ayaa Shaaciyey Sir Culus oo ku Saabsan qaska iyo Jaah-wareerka Siyaasadeed ee maalmihii danbe ku soo Kordhay Deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Suldaan Afgaduud ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku eedeeyey in uu abaabulay qaska iyo fowdada Siyaasadeed ee ka jirta Maamulka Galmudug asaga oo adeegsanaya Siyaasiyiin Degaanka ah iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.
Suldaanka oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray in lahayo cadaymo muujinaya in Madaxweyne Gaas uu dhaqaale badan ku Xiray sidii Meesha looga Bur-burin lahaa Maamulka Galmudug oo Xorguf Siyaasadeed ay kala Dhexayso Maamulka Puntland waxaa uuna Xusay Arintaas ay tahay Mid xaalad kale ka Abuur karta Gobalada dhaca bartamaha Soomaaliya ee Mudug iyo Galgaduud.
10-Bishii January 2017 ayaa 54-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug waxa ay ku dhawaaqeeyn in Xilkii ay qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xussen Guulled ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado oo Xarun ku meel gaar ah u ah Maamul Gobaleedkaasi Wixii ka danbeeyey xilkaas waxaa Cirka isku Shareeyey Xiisad Siyaasadeed oo saameyn weyn ku yeelataya Dhamaan Ha’adaha kala Duwan ee Maamulkaasi.
Waxaan soo baxaya Eedeeyey la xariira in Xiisadaad ay Abaabuleed qaarka mid ah Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta utaagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sanadkaan 2017-ka Doorashada ka qabsoomaysa dalka.

