Nin Ku Xoolo Beelay Abaarta ka jirta Deegaanno ka tirsan G/Galgaduud oo Sun Cabay+Dhageyso

0

Nin Xoola dhaqato ah oo ku noolaa Dulledka Deegaanka Xiraale ee Gobalka Galgaduud ayaa Go’aansaday in uu isdilo oo uu Aduunka iskaga tago ka dib markii ay ka Dhamaadeen Xoolihii  uu Dhaqan jiray oo ay Abaarto galaafatay.

Ninkaan oo  ahaa Abaaha Qoys Reer Guuraa ahaa oo ku noolaa Miiga Deegaanka Xiraale ee Gobalka Galgaduud ayaa Cabay Sunta Xoolaha lagaga difaaco Cayayaanka oo la mariyo  si uu isku dhaafiyo Nolosha Aduunka.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga deegaanka Xiraale C/fitaax Xasan Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ninkaan oo ka mid ahaa Reer Guuraaga Miiga Deegaanka Xiraale ka hor inta aysan Abaartu ka dhamayn oo maalmihii danbe wajahayey xalado murugo ah Bilaabay in Cabo Sunta Xoolaha Korka laga Mariyo waxaan Xusay in hada lagu Dabiibayo Isbitaal ku yaala Deegaankaasi islamarkaan Dhaqaatiirtu ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa Ninkaan oo ka rajo dhigay Nolosha Aduunka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here