Dowladdaha Turky-ga iyo Soomaliya oo Kawada Hadlay Arrimaha Dhanka Gaashaandhigga+Sawirro

0

Cabdalla Xuseen Cali Wasiir kuxigeenka difaaca Soomaaliya  oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga kadib casuumaad rasmi ah uu ka heley madaxda dalkaasi ayaa lakulmay dhiggiisa dalkaasi iyagoo ka wada hadlay xoojinta ilaaqaadka ka dhexeeya labada wasaaradooda ee ku qotoma dhanka Gaashaandhigga.

Kulanka oo mudo saacado ah qaataya kana dhacaya xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ee dalkaasi Turkiga  oo ku taala magaalada Ankara  ee Caasimadda dalkaasi Turkiga ayaa siweyn loogu gorfeeyeey sida ugu haboon oo kor loogu qaadikaro wadashaqeynta iskaashiga labada wasaaradd.

Qodobada ugu muhiiimsan oo mas’uuliyiinta labada wasaaraddood ee Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala ah Dhameystirka dhismaha Akademiyada Ciidanka Xoogga dalka ee Jasiira, warshada loogu talagalay in lagu tolo dharka askarta oo qeybo kamid ah horey Muqdisho loo keeney, qorshe lagu tayeynayo qeybaha ay ka kooban tahay wasaraadda Gaashaandhigga Soomaaliya, iyo kordhinta taageeradii Turkiga uu siin jiray Ciidanka Xooga dalka iyo guud ahaan wasaaradda.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo xubno kale oo horey ugu soo dhaweeyey dalkaasi Turkiga wasiir kuxigeenka Gagaashaandhiga Soomaaliya sida uu qabo nidaamka caalamiga ah ee xagga diblomaasiyadda laxiriira.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa kulankooda ku dhamaaday is afgarad iyo in la qaado talaabooyin lagu hirgelinayo howlahaasi.

Akedeemiyadda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Jasiira ayaa lafilaya in lafuro bilaha ugu horeeya ee sanadkan 2017, dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladda galaangalka xoogan ku leh taageeriidda dowladda Soomaaliya iyo shacabka, iyadoo lagu xusuusto, mashaariic horumarineed sida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarshada, arrimaha bani,aadanimada dib u dhiska iyo horumarinta nidaamka dowliga ah.

IMG-20170117-WA0000 IMG-20170117-WA0001 IMG-20170117-WA0002

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here