Haweeney Soomali ah oo Lagu Tuhmaayo Ku Lug Lahaanshaha Weerarkii Istanbul

0

iyadoo  baaritaano xoogan  ay wadaan ciidamada booliiska dalka Turkiga si loo soo qabto ciddi ka’dambeesay weerakii habeenkii sanadka cusub ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka turkiga gaar ahaan baar lagu cawwyo ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen ninkii sida weyn looga shakinsnaa in uu ka dambeeyay weerarkaasi kaa oo lagu magacaabo Abdulqadir Masharipov oo ka’soo jeeda dalka turkiga

Sidoo kale Ciidamaada booliska turkey-ga ayaa qabtay saddex haween ah oo la’socday kuwaa oo ka’soo kala jeeda dalalka Soomaaliya,masar iyo Senigaal  oo la’joogay ninkii fuliyay weerarkaasi oo baaritaano xoogan booliisku ay ku hayeen.

Gabadha Soomaliga ayaa magaceeda lagu sheegay Caisha.

Booliiska ayaa wali soo bandhigin magaca haweynaadaasi Soomaaliyeed ee kamid ka ah shaqsiyaadka looga shakinsanyahay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay xariir dhinacyo badan ah ay la leedahaya dowladda Soomaaliya waxaana turkigu uu mashaariic ka fuliyaa dalka soomaaliya.

Tani ayaa  si weyn u saameyn karta xiriirka kawada dhaxeeya dowladaha soomaaliya iyo turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here