Ciidamada Maamulka Galmudug oo Soo Bandhigay Ajaanib u Dhalatay Dalka Iiran+Dhageyso

0

Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka mudug ayaa waxaa lagusoo waramayaa in Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen doonyo hor leh oo ah kaluumaysato si sharci darro ah uga kaluumaysanayey deegaanada Maamulkaas.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in cidamada badda iyo saraakiishooda ay ku wareejiyeen Doonyihii ay soo qabteen iyo waliba dadkii saarnaa sida uu idaacadda Simba u sheegay  Taliyaha Ciidamda Daraawiishta Galmudug Xasan faarax oo hoggaaminayey ciidankii gacanta ku Dhigay kooxahan,

Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan la maxkamadeynayo ajaanibtaan haddana ay gacanta ugu jiraan ciidanka badda ee Maamulka Galmudug.

Dhawaanahaan  waxaa isasoo tarayey Ciidamada Galmudug ee qabanaya doomaha sida sharci darada ah uga kalluumaysanaya deegaanada Maamulkaasi Galmudug,waxaana dhawaan lagu wadaa in Magaalada Hobyo lagu maxkamadeeyo doonyo ay la socdeen dad ajaanib ah oo lagu qabtay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya deegaanada Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here