Mas’uuliyiinta Ka Tirsan AMISOM oo Dowladda Soomaliya oo Gaaray Magaalada Cadaado

0

Magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta barqadii gaaray wafdi ay hoggaaminayaan Abaan-duulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed  General Cali Baashi iyo Taliyaha Ciidamada Amisom General Cismaan Nuur Subagle.

Saraakiishan ayaa waxaa Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyey Ma’suuliyiinta laamaha ammaanka ee Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee halkaa ku sugan.

Ujeedka halkaa ay u tageen saraakiishaan ayaa lagu sheegay in kulamo ay la qaataan Mas’uliyiinta Galmudug oo loogu hadlaayo ammaanka Magaalada cadaado iyo xaaladda guud ee deegaanada Galmudug, sidoo kale saraakiishan ayaa la kulmi doona saraakiisha Ciidanka kow iyo labaatanaad ee ka howlgal Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka Booliska Magaalada Cadaado Cor.Cali Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saraakiishan maanta si weyn loogusoo dhaweeyey Magaalada Cadaado Kulamana ay la qaadnayaan saraakiisha Ciidamada eek u sugan Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aan baarlamaanka Galmudug ay xilkii kaga xayuubiyeen madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed,waxaana jirta cabsi ku aaddan in qal-qal siyaasadeed uu ka dhaco magaaladaasi iyadoona maanta Saraakiishan halkaa tagay ay kala hadlidoonaan laamaha ammaanka sidii arinta xiisadda loo dajin lahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here