Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Doorashooyinka oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha

0

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya ayaa maanta kula la qaatay Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban iyagoo kala  hadlay, sida ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha shacabka iyo Aqalka Sare ee ka dhacay xarumaha Dowladd Goboleedyada.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamanka Soomaliya C/wali Ibraahim Muudey, Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdala Cawad, iyo Gudoomiyaha Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Dhagey.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray doorashooyinkii Golaha shacabka iyo aqalka Sare ee ka dhacay xarumaha Dowladd Goboleedyada dalka ka jira, caqabadaha ka dhashay doorashooyinka, iyo sida laga yeelay xubno la sheegay in dib loogu celiyay Doorashada.

Sidoo kale waxaa Kulanka loogu hadlay sida loo dadajin lahaa Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, iyadoo Guddiga doorashada uu sheegay in la diyaariyay wadiiqooyinkii loo mari lahaa doorashada Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here