Askari ka Tirsanaa Ciidamada Puntland oo Nin Ganacsade ahaa ku dilay Suuqa Magaalada Garoowe

0

Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay askari dil Bareer ah u geystay nin ganacsade ahaa oo ku sugnaa Suuqa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,

Askari iyo ganacsadaha ayaa la sheegay in Muran uu soo kala dhaxgalay Taasi oo keentay in askariga uu Rasaas ku Furo ninkii ganacsada ahaa ee ku sugnaa Goobtiisa ganacsi ee ku Taalay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,

Marxuumka la dilay ayaa  lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur, wuxuuna kamid ahaa dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ee ku ganacsada deeganada Maamulka Puntland, wuxuuna dukaan ku lahaa suuqa la yiraahdo Fadhi xun ee bartamaha magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal.

Ehelada ninka la dilay iyo Ganacsatadii suuqa Fadhi xun ee bartamaha magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa arintaan ka xumaaday iyagoona Maamulka Puntland ugu baaqay in Maxkamad lasoo Taago askariga dilka Geystay.

Xalay waxaa ciidamada Booliska Maamulka Puntland u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii dilka  geystay isagoona Haatan ku xiran saldhiga Booliska Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaa,

Dhanka kale aaska Marxuumka lagu dilay Magaalada Garoowe waxaa saakay ka qeyb Gali doona Mas’uuliyiinta Gobolka Nugaa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here