Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ayaa saakay Howlgalo baaritaano ah ka wada Tuulooyin Hoos Yimaada degmada xudur ee Gobolka Bakool.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada dowlada soomaliya oo ku sugan degmada Xudur oo la Hadlay radio simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Howlgalada loogu Talagalay xaqiijinta Amaanka deeganada iyo Tuulooyinka Hoos Yimaada degmada xudur ee Gobolka Bakool.
Degmada Xudur ayaa kamid ah Degmooyinka gacanta ugu jira ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom waxaana Marar badan ka dhacay weeraro ay kusoo qaadeen ciidamada xarakada al-shabaab oo dhawaan lagala wareegay degmada Xudur.

