Al-shabaab oo Sheegay In Ay Nolosha Ku Qabteen Askar Ka Tirsan Ciidamada Dowlada

0

War ka soo Baxay Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab oo looga hadlay Dagaalo ka Dhacay Gobalka Hiiraan ayaa lagu Sheegay inay nolosha ku qabteen  Tiro Askar ah oo ka tirsan  Ciidamada Dowlada ee Gobalkaasi.

Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab oo la hadlay Warfidiyeenada ku hadla Afka Al-shabaab ayaa Sheegay Askartaan ay ku qabteen Dagaalka dhacay duleedka Degmada Maxaas iyo Deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan sidoo kalena ay Dileen Tiro kale oo ka Tirsan Ciidamada Militariga ee ka Howlgala Aaga Degmada Maxaas.

Idaacada Andalus ayaa baahisay Codadka Rag Al-shabaab ay ku Sheegeen inay ka Tirsan yihiin Ciidamada Soomaali isla markaan ay ganacta ku dhigeen ka dib Dagaalka Xalay lagu qaaday Labo barood oo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ay uga Sugnaayeen Gobalka Hiiraan.

Dhanka kale Idaacada Simba ayaa la Xiriirtay Taliska Ciidamada Dowlada Hiiraan waxaan Saraakiisha ay Qireen Dagaal uu Dhacay ayna Suurto galtahay in Qasaare uu soo kala gaaray labada Dhinac.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo hadal kooban siiyey Idaacada Simba ayaa Sheegay in aysan Jirin Awood Al-shabaab ay ku Qafaashaan Askar ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed wax uuna intaa ku daray in Ogyihiin Qasaare Dhanka Al-shabaab ay gaarsiiyeen, inkastoo uu ka Cududaartay in Sheego inta ay gaarsiisan tahay Tirada Dhimashada iyo Dhaacawa ee gaaray Al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here