Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maadaale) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa Digniino u jeediyay shaqsiyaadka is lahaysiiyay Hantida dowladda Hoose.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay shaqsiyaadkaas in ay gacanta dowladda Hoose kusoo celiyaan hantida ay iska haystaan, isagoo carabka ku adkeeyay in cidii isku dhajisa talaabo laga qaadi doono.
“Waxaan rabnaa Hantida dowladda Hoose ay leedahay ay ku taala Magaalada Muqdisho, waxaan rabnaa in sanadkaan gudihiisa lagu soo celiyo gacanta dowladda Hoose hadii guri tahay, hadii hanti banaan tahay, waxaan rabnaa in lasoo wareejiyo, waxaa ugu baaqayaa hanti dhowraha Qaranka in uu naga gacan siiyo arintaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay madaxda degmoyinka Gobolka Banaadir in ay kala shaqeeyaan sidii loogu gurman lahaa dadka Abaaraha ay sameeyeen.

