Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hilawaa ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in maamulka Cusub ee degmada uu ka shaqeyn doono dhinaca nabadgalyada.
Gudoomiyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in gudaha degmadaas ay kusoo badanayaa falalka amniga lidiga ku ah waxa uuna sheegay in wararkaas ay baahiyeen dadka kasoo horjeeda hormarka degmada Heliwaa.
“Degmada Heliwaa waxa ay kamid tahay degmooyinka ugu amni wanaagsan Gobolka Banaadir, waxyaabaha la baahinaayo ee ku aadan in degmada ay ka dhacaan falal amni lidi ku ah waa waxba kama jiraan, maamulka cusub aan hogaaminayo waxa uu ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa nabadgalyada”, ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hilawaa Cabdixakiin Cumar.
Sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hilawaa ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle waxa uu ugu baaqay shacabka Degmada Heliwaa in ay la shaqeeyaan laamaha amniga degmada si loogu hortago raga doonaya in ay falalka amnidaro daro geystaan.

