Maamulka Degmada Balad-xaawo Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa war kasoo saaray lacagaha lagu bixiyo aroosyada ama (Guurka) ka dhaca gudaha degmadaas.
Guddoomiyaha Degmada Beled-xaawo Maxamuud Xayid Cusmaan oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xiligaan la joogo uu dalka ka jiro abaaro, shaqo la’aan sidaas darteed aan loo baahneen in la isku dhibo guurka.
“Maamulka Degmada markuu kulamo badan uu qaatay waxa uu saaray labo qodob oo kala ah 1- in la qoondeeyo lacagaha guurka lagu galo islamarkaana laga dhigo 600 oo Dollar Mareykanka, sababta arintaan loo sameeyay ayaa ah dhalinyaro guur doonka ah aan haysan lacaga badan, in abaaro ay ka jiraan guud dalka aysan xiligaan habooneen in lacaga waali ah lagu bixiyo aroosyada”, ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Beled-xaawo Maxamuud Xayid Cusmaan.
Arintaan ayaa noqotay midka loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan dalka Soomaliya, dadka qaar ayaa kuu sheegaya in tani fursad weyn ay u tahay dhalinyarada guur doonka ah aan haysan lacago ay ku aroosaan.

