Xildhibaanada Xilka Ka Qaaday C/kariin Guulleed oo Laga Hor Istaagay in Kulan Ay Yeeshaan

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan qado ahaa ku lahaa Hoteel ku yaala Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka ayaa sheegay In laga hor istaagay kulankooda, ayna handaad ay kala kulmeen Ciidamo Hubeysan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in markii ay kasoo baxeyn Saladii Jimcaha kadib ay ku balansanaayeen hotel ku yaala Magaalada  Cadaado, si y kaga hadlaan arrimaha doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, kadib markii ay dhawaan kalsoonida kala laabteen madaxweyne C/kariin Xuseen Guulleed.

Waxa ay sheegeen in ciidamada hoteelka ay isku gadaameeen, ayna  ku socdeen amar laga soo siiyay Madaxtooyada Maamulka Galmudug, waxayna eedeen u jeediyay mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo kalsoonida ay kala laabteen, todobaadkii aynu soo dhaafnay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here