Suxufiyiinta ka Howlgala Deeganada Maamulka Puntland oo Cambaareeyay Xariga Wariye Jaamac Deperani+ Sawiro

0

Qaar kamid ah Suxufiyiinta  ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland ayaa Maanta meelo Fagaaro ah isugu Yimid iyagoona cambaareeyay Xariga loo geystay wariye Jaamac Deperani oo kamid ah wariyaasha ka Howlga deeganada Maamulka Puntland oo maalintii labaad ku xiran saldhiga Magaalada Garoowe.

Wariyaasha ayaa intooda badan watay warqado ay ku qornaayeen Ereyo muujinaya in si sharci daro ah uu ku xiran Yahay wariye jaamac Deperani oo kamid ah wariyaasha ka Howlga deeganada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiin goobta ka Hadashay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre iyo madaxa Tababarada MAP Maxamed Yuusuf Saalim iyagoona Maamulka Puntland ka codsaday in la sii daayo wariye jaamac Deperani.

Wariye jaamac Deperani ayaa dhawaan  Madaxtooyada Maamulka Puntland  ku wareystay  Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada soomaliya Cabdiraxmaan Axmed Maxamed Xuseen Odawaa iyadoona Maalinta Bari ah Lagu wado in la horkeeno Maxkamada Sare Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

120-450x300 103-450x300 94-450x300 74-450x300 65-450x300 54-450x300 44-450x300

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here