Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dib ugu laabtay magaalada cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulkaas xili shalay Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ay sheegeen in kalsoonida ay kala laabteen.
Wafdigaan waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Senator Abshir Bukhaari, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil ciidan, Maamulka degmada Cadaado, iyo Bulshada rayidka.
Mdaxweyne C/kariin Xuseen guuleed ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato golaha wasiirada maamulkiisa isagoo kala hadlaya culeyska siyaasadeed ee kaga imaanaya qaar kamid ah xildhibaanda baarlamanka galmudug oo xil ka qaadis ku sameeyay.
Dhanka kale Banaanbax kooban ayaa maanta ka dhacay Magaalada Cadaado, kaas oo lagu taageerayey xil ka qaadistii ay xildhibaanadu ku sameeyeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, inkastoo uu arintaas ka hor yimid.










