Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Max’ed Xuseen (Eelaay) oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in la dilay Shan askari oo kamid ahaa Al-Shabaab kadib dagaal ay kula galeen deegaan 30-KM u jira Magaalada Baydhabo.
Wasiir Xasan Eelaay ayaa sheegay in dagaalkaani uu yimid kamid markii Al-Shabaab ay dagaal Gaadmo ah ay ku qaadeen ciidamada Daraawiisha maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, isagoona sheegay in ay bur-buriyeen fariisimihii Ciidamada Al-Shabaab ee weerarka lagu qaaday.
Ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar Dhaba gal ah ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa maamulka koofur galbeed oo la sheegay in ay ku wajahnaayeen Deegaanka Goof Gaduud oo qiyaastii 90km u jirta Magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg ee Maamulkaas.

