Al-Shabaab oo Shaaciyay Qabiilka uu Kasoo jeeday Shaqsigii Labaad ee Fuliyay Weerarkii Hoteeelka Peace

0

Warbaahinta Shabaab ayaa baahiyay Magaca Shaqsigii  kale oo la sheegay in fuliyay weerarkii Labaad ee Isniin aynu soo dhaafnay Lagu qaaday Hoteelka Peace ee Magaalada Muqdisho kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Idiris Maxamed Nuur oo sidoo kale loo yaqaano (Khaalid) wuxuu mid ka mid ah labadii shaqsi  ee fuliyey weerarkii lagu qaaday Hotelka Peace ee magaalada Muqdisho, waxayna shabaab sheegeen in uu isku qarxiyay sidii loo yareyn lahaa awooda beesha caalamka ee Soomaliya ku leedahay waa sida ay hadalka u dhigeen Shabaab.

Shabaab waxa ay sheegeen in Khaalid uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo caan ku ahaa dhowrsanaan iyo af-gaabni, Wuxuu ku jiray da’da Labaatameeyada, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada  Xarakada Al Shabaab, kuwa qaraxyada loogu talagalay.

Shababa waxa ay sidoo kale sheegeen  in uu khaalid ka dhashay beesha Hadamo, Wuxuuna ka soo jeedaa Deegaanka Rabdhuur oo ah magaalada Ansaarta iyo Manbaca Istish-haadiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeen shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here