Jawaari:-“ Shacabka Soomaliyeed ayaa Iga Dalbaday in aan Isku Sharxo Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka”,

0

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyadda Soomaliya ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Soomaliya.

Pro: Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in codsiyo ugu yimid qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaliyeed,  uu iskugu soo sharxay mar kale Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya .

Waxa uu sheegay Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari hadii loo doorto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka  Federaalka Somaliya inuu keenaayo isbedel hogaamineed oo ku aadan shaqada Baarlamaanka Somaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawari ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay hogaaminaayay Baarlamaanka Somaliya, waana shaqsi siyaasad qaboow sida ay tilmaameen marka ay ka faaloonayaan dadka odorosa Siyaasada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here