Faah-faahin:-Bambo Gacmeed Lagu Weeraray Hoyga Wasiirka Caafimaadka Jubba-land  

0

Rag hubeysan ayaa xalay bambo gacmeed ku weeraray hoyga Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba-land  Mudane Xasan Daahir Yarow oo ku yaala magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulkaas.

Inta la xaqiijiyay 1-ruux oo kamid ahaa qoyska Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba-land ayaa ku dhaawacmay bambada  lagu tuuray hoyga, intaas kadib waxaa xigay rasaas kooban ay isweedaarsaden Ciidamada amaanka Jubba-land iyo kooxdiisa Hubeysneed.

Markii hoyga Bambada lagu weeraray, waxa la xaqiijiyay in uu ka maqnaan Wasiirka sida ay inoo xaqiijyeen mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Jubba-land.

Ilaa iminka ma jirTo cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here