Jaamacadda Carabta oo Soo Dhaweysay Waqtiga Loo Qabtay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka

0

U qaabilsanaha Jaamacadda Carabta arimaha doorashada Soomaaliya Axmed Abul Qeyd oo khudbad ka jeeda kulan gaar ah ay wada yeesheen mas’uuliyiinta ururkaasi ayaa kahor sheegay in Soomaaliya ay hadda cagta saartay geedi socodka doorashada.

“Ugu horeyn waxa aan soo dhaweynayaa oo aan bogaadinayaa kulamadii ugu dambeeyey ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen muqdisho, waxa ay iska soo dhex saareen gudi qaban-qaabiya doorashada” ayuu Axmed Abul Qeyd ku sheegay khudbdiisa.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Waa muhiin guda galista Doorashooyinka Soomaaliya waana meesha galiya indha caalamku uu ku jeedo, aniga waxa aan dhowr jeer isku daye in aan aado Soomaaliya balse waxaa i hakinaye waa dib udhaca faraha badan ee ku imaanaye doorashada” ayuu yiri.

Dhanka kale Maxamuud Cufeyfi oo ah Af-hayeen u hadlay Xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wakiilka Jaamacadda Carabta arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo Xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta ay si wadajir ah usoo dhaweeyeen doorashada Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa daba yaaqadkii sanadkii tagay 2016-ka Soomaaliya usoo xil saartay Axmed Abul Qeyd oo ahaa Xog-hayahii hore ee Jaamacadda Carabta ahna Siyaasi si weyn looga qadariyo Wadanka Masar.

Abul Qeyd ayaa kulankaani u dhaxeeyey xubnaha Jaamacadda Carabta u noqonaya kulamadii ugu dambeeyey ee uu kaga qeyb galayo Jaamacadda Carabta isagoo wakiil ka ah arimaha Doorashada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here