Laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ugu baaqay dhamaan ciyaartooda kooxda in aysan iska dhiganin kadib markii ay Chelsea Todobaadkaan gaartay guusheeda 12-aad oo xiriir ah Kulamada Horyaalka Ingriiska.
Chelsea ayaa Todobaadkaan ka guuleysatay naadiga Bournemouth waana guushii 12-aad oo xiriir ah, iyagoo barbareeyay Record ay horey u dhigtay Arsenal.
Eden Hazard oo gool ku laad dhaliyay kulankii Todobaadkaan ayaa ugu baaqay dhamaan ciyaartoyda Chelsea In aysan iska dhiganin islamarkaana ay hamiga ku hayaan in lasii dheereeyo recordka guulaha xiriirka.
Chelsea ayaa 6-dhibcood oo Nadiif ah ku hogaaminaysa Horyaalka.

